Tabarucaadka

[ Tabarucaadka ] Waa Allah mahaddiise, mashruucii dhisme ee Masjid Khalid Bin Al-Walid wuxuu ka dhawyahay gebagebo, hase ahaatee waxaa jiro qaybo muhim ah oo u baahan dhaqaale lagu dhameystiro. Qaybaha harsan waxaa ka mid ah fasalladda caruurta wax lagu barayo, maktabadda kutubta, qolka maydka iyo qaboojiyahii, barxadda baabuurta, dayrka (fence) masjidka oo muhiim ah.

Haddaabe waxaa mulimiinta oo idil ka codsanaynaa inay ka qayb qaataan dhamaystirka masjidka. Nebiga (nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaato) wuxuu xadiith saxiix ah ku yiri “Qofkii Alle dartii masjid u dhisa, Allaah ayaa guri jannada uga dhiseye” (Bukhaari iyo Muslim).

Waxaan halkan uga mahad celineynaa dhammaan Muslimiintii ka qayb qaatay dhismaha masjidka haddii ay noqon lahayd xaga dhaqaale, xoog, xirfad, iyo talo bixinba. Waxaan aaminsanahay in awoodda Allaah iyo hagar bixidda muslimiinta oo keliya suurta galisay in uu masjidka dhismo.

WIXII SADAQAAD AH WAXAA LAGU SOO HAGAAJIN KARAA

The Bank of Montreal
Khalid Bin Al-Walid Mosque.
Account # 1994-110 (Canadian)
Account # 4605-837 (US)
Transit # 24162

Or print a Pledge Form from o­ne of the links below and fax it to the Masjid at: (416) 745-9360. ==> Pledge Form

Malcare WordPress Security