Taariikhda Masaajidka

[Taariikhda Maasjidka] Masaajidka Khalid Bin Al-Walid waxaa la asaasay sanadkii 1990, iyadoo ujeedada loo asaasay ay ahayed xafididda, faafinta diinta Islaamka iyo ka ilaalinta jaaliyadda inay ka lumaan diintooda.
Si uu ujeedooyinkiisa u fuliyo ururka wuxuu iibiyey bakhaar (0.84 acres) November 1996, si looga dhiso Masjid. Lacagta laga bixiyay waxay ahayd $450 000.

Waa Allaah mahaddiise, dhaqaale laga uruuriyay Muslimiinta magaalada Toronto siiba jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa suurta gelisay in bakhaarkii dib u habayn laga sameeye oo loo beddelo Masjid leh qayb ragga iyo qayb dumarka u gaar ah.

Masjidku wuxuu bilaabay hawlihiisii sida : shanta wakhti oo lagu tukado, xalaqooyin diini ah, barnaamijka dhalinyarada iyo hawlaha guud ee dacwada. Hase yeeshee Masjidka dhameystir ayuu u baahanyahay si qaybihiisa oo idil loo isticmaalo.

Malcare WordPress Security