Arrimaha Janasada

Arrimaha Janasada

Arrimaha Janasada

Arrimaha Janasada – Adeega uu Masaajidku Qabto waxaa ka mid ah arrimaha Janaasada la xiriira haday ahaan lahayd meydka oo isbitaalka laga soo gaado, ladhaqo, lagu tukado, ka dibna qubuuraha la geeyo.

Arrimaha Janaasada kala kala soo xiriir:

  • Soleman Kola: 647-710-3155
  • Sh. Abukar Mohamed 416-745-2888 X. 0
Tabarucaadka

Tabarucaadka

Tabarucaadka

[ Tabarucaadka ] Waa Allah mahaddiise, mashruucii dhisme ee Masjid Khalid Bin Al-Walid wuxuu ka dhawyahay gebagebo, hase ahaatee waxaa jiro qaybo muhim ah oo u baahan dhaqaale lagu dhameystiro. Qaybaha harsan waxaa ka mid ah fasalladda caruurta wax lagu barayo, maktabadda kutubta, qolka maydka iyo qaboojiyahii, barxadda baabuurta, dayrka (fence) masjidka oo muhiim ah.

Haddaabe waxaa mulimiinta oo idil ka codsanaynaa inay ka qayb qaataan dhamaystirka masjidka. Nebiga (nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaato) wuxuu xadiith saxiix ah ku yiri “Qofkii Alle dartii masjid u dhisa, Allaah ayaa guri jannada uga dhiseye” (Bukhaari iyo Muslim).

Waxaan halkan uga mahad celineynaa dhammaan Muslimiintii ka qayb qaatay dhismaha masjidka haddii ay noqon lahayd xaga dhaqaale, xoog, xirfad, iyo talo bixinba. Waxaan aaminsanahay in awoodda Allaah iyo hagar bixidda muslimiinta oo keliya suurta galisay in uu masjidka dhismo.

WIXII SADAQAAD AH WAXAA LAGU SOO HAGAAJIN KARAA

The Bank of Montreal
Khalid Bin Al-Walid Mosque.
Account # 1994-110 (Canadian)
Account # 4605-837 (US)
Transit # 24162

Or print a Pledge Form from o­ne of the links below and fax it to the Masjid at: (416) 745-9360. ==> Pledge Form

Taariikhda Masaajidka

Taariikhda Masaajidka

Taariikhda Masaajidka

[Taariikhda Maasjidka] Masaajidka Khalid Bin Al-Walid waxaa la asaasay sanadkii 1990, iyadoo ujeedada loo asaasay ay ahayed xafididda, faafinta diinta Islaamka iyo ka ilaalinta jaaliyadda inay ka lumaan diintooda.
Si uu ujeedooyinkiisa u fuliyo ururka wuxuu iibiyey bakhaar (0.84 acres) November 1996, si looga dhiso Masjid. Lacagta laga bixiyay waxay ahayd $450 000.

Waa Allaah mahaddiise, dhaqaale laga uruuriyay Muslimiinta magaalada Toronto siiba jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa suurta gelisay in bakhaarkii dib u habayn laga sameeye oo loo beddelo Masjid leh qayb ragga iyo qayb dumarka u gaar ah.

Masjidku wuxuu bilaabay hawlihiisii sida : shanta wakhti oo lagu tukado, xalaqooyin diini ah, barnaamijka dhalinyarada iyo hawlaha guud ee dacwada. Hase yeeshee Masjidka dhameystir ayuu u baahanyahay si qaybihiisa oo idil loo isticmaalo.

Manhajka Masaajidka

Manhajka Masaajidka

Manhajka Masaajidka

Manhajka Masaajidka

  • Manhajkeenu waa qabsada kitaabka alle (subxaanahu Watacaalla) iyo sunnada saxiixa ah ee subanaheen nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaateed iyadoo loo fahmaayo sidey salafku saalix u fahmeen.

  • In Dadka lagu tarbiyeeyo caqiidada saxda ah.  Loogana digo shirkiyaadka iyo khuraafaadka aan sal iyo raad ku leehay diinta alle.

  • Manhajkeena waa mid dheelitiran (wasadiya) kana fog quluwiga (xag Jirnimada) nooc kasta ha ahaadeen

Malcare WordPress Security